Maqaal Xul ah
Bahda Midaysay Qoraxdu
Bahda Midaysay Qoraxdu
waa qoraxda , 8da meere , dayaxyo badan oo ku wareega meereyaasha, dhowr duniyar iyo tiro badan oo dhagaxaan , baraf iyo hawoooyin ah; kuwaas oo dhammaantood ku wareega qoraxda oo badhtanka ku taala. Bahda Qoraxdu Midaysay waxay ka tirsan tahay nidaamka Galaagsiyada ee loo yaqaan The Milky Way . Waxaana la sheegaa in meerayaasha, dayaxyada, dunidayar iyo dhammaan walxaha ku jira bahdan ay sameeysmeen wakhti hada laga joogo 4.5 bilyan oo sano ka hor Inta ugu badan cufka iyo mugu waxaa laga dhex helaa qoraxda oo ugu wayn dhammaantood, iyo meeraha Cirjeex oo ugu wayn meerayaasha sideeda ah. Afarta meere ee u dhow qoraxda - Waxaraxir , Dusaa , Dhulka iyo Farraare - kuwaas oo loo yaqaano Meere Dhagaxley , waxay inta ugu badan ka samaysan yihiin bir . Dhinaca kale, afarta meere ee banaanka u baxsan ee loo yaqaano Neefaha Waawayn - Cirjeex , Raage , Uraano iyo Docay - kuwaas oo aad uga jidh iyo xajmi wayn meerayaasha dhagaxleyda ah, waxay ka samaysan yihiin neefo iyo Raage , waxay ka kooban jihiin curiyeha haydarojiin iyo hiliyaam , labada ku sii xiga ee Uraano iyo Docay waxay ka samaysan yihiin sheeyo dhalaali kara oo inta ugu badan ah baraf . Si kastaba ha ahaatee, bahda qoraxdu midaysay waxay leedahay deegaano ay ka buuxaan walxo yaryar. Tusaale ahaan, suunka asteroidska ee u dhaxaysa Farraare iyo Cirjeex, si la mid ah meerayaasha dhagaxleyda ah, waxaa ka dhex buuxa sheeyo yaryar oo ka samaysan bir iyo dhagaxaan . Meereha Docay xadka ka dambeeya oo loo yaqaano Suunka Kuiber (Kuiper Belt) waxaa laga helaa duniyo yaryar oo la qaab ah Docay. Meeshan waxaa ku jira in ka badan toban kun (10,000) oo sheey kuwaas oo hadii ay aad u waynaan lahaayeen aygu isku wareegi lahaa. Dunida yaryar ee ka dambeeysa Docay ee ku dhex jira suunka kubier waxaa ka mid ah asteroidka Ceres , Bluto iyo Eris . Lix ka mid ah meereyaasha , iyo ugu yaraan 3 ka mid ah dunidayar, iyo sheeyo yaryar oo kale waxaa ku wareega walxyo ka yar ayaga kuwaas oo loo yaqaano Dayaxa meere . Meeraha Cirjeex ayaa ugu dayax badan, ayadoo leh tiro dhan 67 dayax . (SII AQRI )
Waa maxaay Wikipedia
?
---Qaabka aad wax uga bedeleyso FG. Luqada waa english
Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web -ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english ) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani .
Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo dheeraad...